Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Hey’addaha Gargaarka Q.M oo isku raacay in Dalka Soomaliya uu wajahayo….

Hay’adaha Qaramada Midoobey u qaabilsan gargaarka sida FAO,OCHA iyo FSNAU,ayaa isku raacay in Dalka Soomaaliya uu wajahayo Cunto yari kadib markii sida ay ku dhawaaqeen aanay di’in roob ku filan xilligii Guga,sidoo kalena ay saadaasha Cimillada muujineyso in Deyrta aysan di’I doonin Roob ku filan.

FAO,waxaa ay sheegtay in Gobollada Somaliland iyo Puntland ay ka roob badnaayeen bartamaha iyo koofurta laakiin aysan ku filneyn baahida halkaasi ka jirta.

Dhanka bartamaha iyo Koofurta ayey Hay’adaha Qaramada Midoobey ku sheegeen in ay dhibaato ba’an ka soo wajahan tahay ,sida Gobollada Shabeellaha hoose iyo Baay.

OCHA,ayaa sii deysay Warbixintan iyada oo xiganeysa Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO,waxaana ay ku dartay in Roobka Guga uusan u di’in sidii la rabay,sidoo kalena saadaasha ay muujineyso in Deyrta ay hoos u dhaceyso 30%-50% Sanadkan.

Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe,70,000 oo Qof ayey sameyn taban ku yeelatay daadadkii fatahay ee Wabiga Shabeelle,waxaana dhulalka kulaala xeebaha ay noqonayaan kuwa wajaha dhibta ugu badan ee Jiilaalka.

Dad ku dhow 2Milyan oo Qof kuna nool Puntland iyo Somaliland ayaa wajahaya cunto yari,naqo darri,waxaana ay ku tilmaamayaan xaalad soo kabashadeeda adag tahay.

Mareykanka ayey sheegtay Qaramada Midoobey in $127Milyan oo Doollar uu ballan qaaday lagana helay kaliya $49Milyan oo ka mid ah

Related posts

DEG DEG: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda oo Eedeyn Musuq Maasuq loo xiray

admin

Daawo Shariif Xasan oo Xariga ka jaray Villa Baraawe…

admin

Nadiifo Jaamac Faarax labo mudane oo kale oo Cadaado lagu dortay.

admin