Animation

Hey’adda Dhaqaatiirta aan Xuduuda laheyn ee MSF oo Mudo Seddex sano kadib dib uga Howlgalysa Soomaliya

no responses
Thursday January 26, 2017 - 5:05 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Hay’adda gargaarka caafimaadka ee Dhakhaatiirta aan xudduuda lahayn MSF ayaa maanta ku dhawaaqday in ay hawlaheedii dib uga billaabi dodonto Soomaaaliya ka dib markii ay isaga baxday saddex sano ka hor ka dib markii uu ammaanku aad u xumaaday.

Hay’adda Dhakhaatiirta aan xuduudda lahaynna waxay Soomaaliya ka shaqaynaysay muddo labaatan sano ka badan.

Wakiilka MSF Soomaaliya Guatam Chetterje ayaa BBC-da u sheegay in hay’addu ay shaqadeedii dib u billaabi doonto bsiha April ee sanadkan.

MSF ayaa joojisay dhammaan barnaamijyadii ay ak waday Soomalaiya sanaddii 2013-kii ka dib markii qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adda lagu bartilmaameedsday weeraro.

Hay’adda ayaa bixin jirtay adeegyo u badan caafimaad iyo nafaqeynta kumanana kun oo caruur ah o ay barickiyeen abaaraha iyo colaadda.