Breaking News Somali News Top News Xulashada K24

Heshiiska Xasan uu la galay Ethiopia oo ka halis badan sida markii hore la mooday (Aqri qodobada

Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa socdaalka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay dalka Ethiopia iyo heshiiska uu la galay dowladda dalkaas.
Heshiiskan oo laba waji leh, kaasi oo mid ka mid ah horey loogu saxiixay Jigjiga, halka qeybaha kalena toddobaadkan lagu saxiixay Addis-Ababa, ayaa waxaa hadda soo baxeysa inuu ka qatar badan yahay sida markii hore la mooday, sida ay xog ku heshay Kismaayo24.com .
Wararkii ugu dambeeyey ee soo gaaray warbaahinta ayaa sheegaya in qodobada Xasan iyo Ethiopia ay isku raaceen ay ka mid yihiin:-
1 – Dowladda Ethiopia waxay si buuxda u taageereysaa in madaxweyne Xasan Sheekh dib loogu soo doorto hoggaanka dalka Soomaaliya, taa beddelkeeda waxa uu ogolaaday dhammaan qodobada kale ee heshiiskan.
2 – Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu si rasmi ah u saxiixay in dhulka Killinka Shanaad ee Soomaalida uu yahay dhul Ethiopia leedahay, Soomaaliyana aysan dib dambe u sheegan doonin (Waa madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya ee dhulkaas u xalaaleeya Ethiopia).
3 – Ciidamada Ethiopia waxa ay noqon doonaan ciidamada ugu badan ee Amisom ka socda ee Soomaaliya jooga, waxaana la yareyn doonaa ciidamada dalalka kale ee Afrika ka socda.
4 – Dhammaan ciidanka aan Soomaalida ahayn ee sugaya amniga Villa Somalia waxay noqon doonaan Ethiopian, waxaana ay qeyb ka noqonayaan laba kun oo Ethiopian ah oo Muqdisho imanaya.
5 – Dowladda Ethiopia ayaa qaadaneysa mashruuca tababarka ciidamada qaranka Soomaaliya, oo Midowga Yurub iyo Mareykanka ay maal-gelinayaan.
6 – Haddii Xasan dib loo soo doorto, 50% wasiirada xukuumadda cusub waxay noqonayaan shaqsiyaad Soomaali ah oo dowladda Ethiopia ku xiran. Wasiirada ay Ethiopia qaadaneyso waxaa ka mid ah gaashaandhigga, Arrimaha gudaha iyo dibedda, iyo amniga qaranka.
Waxaa muuqata in qaranimada Soomaaliya ay halis xooggan ku jirto haddii Xasan Sheekh dib loo soo doorto. Xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya ayaa mustaqbalka dalka uu gacantooda ku jiraa, ayagaana xaqiijin karaa in heshiiska Xasan iyo Ethiopia uu noqdo mid aan dhaqan gelin.

Related posts

SAWIRRO:- Waa sidee Xaalada Dhaliyarada Soomaaliyeed ee ku Xiran Xabsiyadda Liibiya

Ahmed sudani

Sawiro: Horjoogaha maamulka Jubba oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti iyo gollaha Col, Barre Hiiraale oo iyagana ku wajahan Jabuuti.

admin

Wasiir Odowaa: Sanduuq Dhalo ah Ayaa lagu dooran doonaa Madaxweynaha Shabeele State Iyo Kuxigeenkiisa.

admin