Somali News

Hay’adda Nisa oo sheegtay in Qaraxii Ex Control laga soo abaabulay Dal Shisheeye

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in qaraxii ka dhacay Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye.

Qoraal kooban oo NISA ay soo dhigtay barteeda twitter ayaa lagu yiri “Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye.

Qoraalka NISA laguma magacaabin dalka qorsheeyey qaraxa, waana markii ugu horreysay ee ay dowladda Soomaaliya dal shisheeye ku eedeyso qarax ka dhacay Muqdisho.

Wargeyska Yeni Safak ee dalka Turkiga, oo ah wargeys aad ugu dhow dowladda, ayaa qoray in dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Mohamed Bin Zayed Alnahyan uu amray qaraxaas, isaga oo beegsanatya Turkish-ka dhisayey waddada.

 

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka caalamka qaarkiis.”

Arrintan ayaa imaneysa ayada kooxda Al-Shabaab, oo inta badan sheegata qaraxyada Soomaaliya, aysan weli sheegin qaraxii Ex-Control oo ay ku dhinteen 81 qof.

HALKAN KA AQRI QORAALKA WARGAYSKA

Related posts

Dhagayso:- Duqa Cusub ee Degmadda Jariiban ee Gobalka Mudug oo K24 uga warbixiyeey xaalada Degamadaas

admin

Daawo Sawirro: Shariif Shiikh Axmad oo Booqasho lama Filaan ah ku tagan Cisbitaal Madiina iyo Hotel Dayax oo shalay la Weeraray

Tifaftiraha K24

Wadooyinka Muqdisho Oo Xiran Iyo Ammanka Oo Aad loo adkeeyay

Ahmed sudani