Haweeney xanaanayn jirtay Maroodiga dalka Kenya oo geeriyootay

0

Haweeney lagu magacaabi jiray Daphne Sheldrick oo xanaanayn jirtay maroodiyaasha dalka Kenya ayaa u geeryootay cudurka kansarka ayadoo da’ahaan jirtay 83 sano.

Waxay caawisay in kabadan 230 maroodi si ay noloshooda u badbaadiso, qaar badan oo maroodiyaashan kamid ah ayaa waalidkii dhalay ku waayey abaar iyo dad ugaarsato ah oo laayey, waxay samaysay hab ay caano ku siin jirtay ayadoo ku guulaysatay xanaanayntooda.

Samafalka haweenaydaan ay ku xanaanayn jirtay maroodiyaasha agoonta ah ayaa noqday mid dunida laga aqoonsaday.

Waxay ku dhalatay kuna barbaartay dalka Kenya, Dame Sheldrick waxay qaybteedii hore ee nolosheeda shaqo ay la qaadatay ninkeeda ingiriiska ahaa ee David, kaas oo aasaasay seeraha qaran ee ugu weyn dalka Kenya ee lagu magacaabo Tsavo East.

Geeridii ninkeeda kadib sanadkii 1977, waxay aasaastay hay’ad lagu magcaabo David Sheldrick Wildlife Trust (DSWT, oo duurjoogta qaabilsan, taas oo aad loogu bartay badbaadinta iyo isdhexgalinta maroodiyaasha agoonta ah iyo duurjoogta kale