Animation

Harry Kane Oo Magcaabay Difaaca Ugu Adag Ee Uu Noloshiisa Wajahay- Waa Kee?

no responses
Sunday September 11, 2016 - 2:14 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Harry Kane ayaa qiray in John Terry uu yahay daafaca ugu adag ee uu abid wajahay inta uu ka tirsan yahay kooxda Tottenham.

Kane ayaa noqday mid ka mid ah weeraryahanada ugu sareeya Premier League xilli ciyaareedkii hore ,isagoo qaab ciyaareed fiican kaga caawiyay kooxdiisa in ay ugu dhameysato kaalinta sadexaad ee kala sareynta Horyaalka markaasoo uu ku guuleystay kabaha dahabka.

Weeraryahanka ayaa ku sheegay Kabtanka Chelsea Terry uu yahay daafaca ugu adag ee uu wajahay tan iyo inta uu ka ciyaarayo Horyaalka England.

Mar la weydiiyay nin ka ugu adag ee uu wajahay Harry Kane, waxa uu ku sifeeyay kabtankii hore ee England John Terry.