Animation

Kismaayo News Agency Person of The Year oo lagu dhawaaqay yaase ku gulaystay.

no responses
Thursday December 31, 2015 - 11:06 under Arimaha Bulshada by admin
mqdefault
  • Sida caadada Inoo aheydba waxaan soo daabacnaa hadaanu nahay bahda Kismaayo News Agency shakhsiga sanadka markaa dhamaaday aan ka dhex xulano hay’adaha Dowladda si gaar ah xubnaha Golaha fulinta ee markaa shaqeeya.Sanadkii hore Kismaayo News Agency waxay shakhsigii 2014ka u aqoonsatay xildhibaan mustadhafe Sheekh Cali dhuxulow oo markaa ahaa wasiirkii wasaarada warfaafinta xukumaadii RW Cabdiwali Sheekh Axmed,isagoo ku muteystay waxqabad, karti, hufnaan Iyo daljaceyl.

    received_10201644730316463u
    Sanadka caawa bishay ee 2016 bahda Kismaayo News Agency oo ay wehliyaan hawl-wadeenada Iyo Maamulka Radio Voice of Somalia (VOS) Ayaa iyagoo Isku duuban waxay shakhsiga sanadka dhamaaday ee 2015 u aqoonsadeen Rai’sal Wasaare Kuxigeenka Dalka Mudane Maxamed cumar carte oo aan aaminsanahay Inuu ku muteystay abaalmarinta sanadka dhamaaday qodobada soo socda.

    1, Mudane Maxamed cumar waa hawl-kar si qoto dheer oo hufnaani ku dheehantahay u gutay waajibaadkiisa shaqo sanadka uu yahay Rai’sal Wasaare Kuxigeenka Dalka.

    2, Mudane carte wuxuu ahaa shakhsigii kala waday guud ahaan shaqooyinkii kala duwanaa ee ka socday Xafiiska Rai’sal Wasaare Sharmaake.

    3, wuxu marki ugu horaysay furay xafiis u gaar ah Raisalwasaare  kuxigeenka Somalia kaas oo ay ka howlgalan shaqaale badan  shaqo badana ay ka socoto waxana uu qayb weyn uga yaala Villa Hargaysa.

    4, wuxuu sidaas si lamid ah Gudaha Dalka shir Guud oo ay ku mideysanyihiin beelaha Waqooyi uu ka furay Muqdisho, shirkaasi oo ay kasoo qeyb galeen ku dhawaad 500 oo ergo ah oo kasoo jeeda Waqooyiga Soomaaliya.

    5 , Maxamed cumar carte sida in badan oo in kamid ah ay lasocdaan wuxuu naftiisa u huray u adeegida shacabkan qaranjabku uu ku dhacay, isagoo naftiisa ay halis gashay heer uu ku dhaawacmay weerar lagu qaaday mid kamid ah hotelada Muqdisho oo uu daganaa.

    6, wuxuu fariisiyay siyaasadda xukuumada isagoo shaqada loo xilsaaray Marka laga soo tago gacanta ku hayay shaqadii Rai’sal Wasaaraha taasine waxa ay Sababtay in Golaha wasiirada uu Noqdo shaqsiga kaliya ee ay ka qaataan fasax hadii ay shaqo aadayaan, sidoo kale wuxuu ahaa qof ka kaliya ee ay natiijada shaqooyinka ay qabtaan ay kula soo laabtaan, arintaasi La sheego iney keentay biseylka uu muujiyey Mudane carte

    7, wuxuu Dalka dibadiisa kaga qeyb galay kulamo caalami ah oo Soomaaliya guulo muhiim ah oo ka taaban karo ay kasoo hoyisay,

    8, shaqsiyada wanaagsan ee Maxamed cumar carte waxaa kamid ah in xafiiskiisa ay ka hawl galaan shaqaale badan oo Soomaaliyeed oo kala Gobol ah, kuwaas oo la Oran karo waa ku yaryihiin amba kuma jiraan shakhsiyaad ay Isku hayb yihiin halka xafiisyada kale laga helo shaqaale ku hayb ah Masuulka markaa xafiiskaas Madaxda u ah.

    9, dhaqankiisa kamid ma ahan in dadka uu ku qaabilo waji aqood AMA macriifo Waana shakhsi ay u siman yihiin Bulshada sida siyaasiyiinta xilalka haya, aqoonyahanada, Dhalinyarada, haweenka Iyo odey dhaqameedyada.

    10, ugu danbeyn carte Ayaa abaalmarintaan ku muteystay xiriirka wada shaqeeyneed ee uu lalahaa mudadii uu Xilka hayay bahda Kismaayo News Agency Iyo Radio VOS kuwaas oo uusan ka daalin wada Shaqeyn toos ah oo uu lalahaa.

    Qalin Iyo qoraal kaliya Laguma soo koobi karo sababaha uu Mudane carte ku muteystay abaalmarinta sanad Lahaa ah ee ay bixiyaan Warbaahinada kismaayo24 Iyo radio VOS oo Isku lamaanan.

    Waxaa naga xasuusin ah in mudanaha aan maalmaha soo socda gudoon sii doono shahaado sharafta AMA abaalmarinteena sanad Lahaa ah ee aan ku bixino xulasho Iyo hawlqabadka Masuulka markaa aan abaalmarinta gudoonsiineyno.

    Bahda Kismaayo News Agency waxay akhristayaashooda ugu hambalyeynayaan sanadka cusub ee caawa bishay waxaana leenahay nabad Iyo barwaaqo Allaha Nagu gaarsiiyo kiisa kale alahan na garsiyo Soomaaliya oo nabad ah dowladnimo muuqatane ay kahana qaaday.