HALIS: Barcelona oo lumin karta adeega xidigeeda khadka dhexe ee Ivan Rakitić iyo kooxda Chelsea oo…

0

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in laacibka reer Croatia ee Ivan Rakitić ay suuragal noqon karto inuu ka dhaqaaqo Cump Nou suuqan xagaaga.

30 jirkan ayaa bandhig wanaagsan ka sameeyay kooxda Barcelona iyo koobkii aduunka 2018 ee dhawaan lagu soo xiray dalka Russia.

Ivan Rakitić ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay xidigaha ugu muhiimsan kooxda Barcelona sanooyinkii dhawaa ee lasoo dhaafay, kadib markii uu yimid sanadii 2014, wuxuuna kaga soo biiray Sevilla.

Hadaba wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Paris St Germain ay si xoogan u xiiseenayso saxiixa Ivan Rakitić inta uu furan yahay suuqan xagaga.

Warbixinta ayaa waxaa intaas lagu sii daray inkastoo ay adag tahay in kooxda Paris St Germain ay la saxiixato Ivan Rakitić, hadana kaliya waxay kula saxiixan karta inay bixiso qiimaha lagu kansali karo heshiiskiisa Cump Nou ee gaarsiisan 125 million euro.

Dhanka kale

Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska goolhaayihii kooxda Athletic Bilbao ee Kepa Arrizabalaga.

Blues ayaa bixisay qiimaha lagu kansalay heshiiska uu Kepa Arrizabalaga ku joogay kooxda reer Spain Athletic Bilbao ee gaaraya 80 million euros si uu ugu noqdo badalka Thibaut Courtois oo ku biiray kooxda Real Madrid.

Kooxda Chelsea ayaa war rasmi ah ay soo saartay shabakadeeda rasmiga ah ku sheegtay   “Kooxda waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo in Kepa Arrizabalaga ay ka saxiixatay heshiis 7 sano ah”.

Dhinaca kale agaasimaha guud ee kooxda Chelsea Marina Granovskaia ayaa waxay dhankeeda sheegtay in ay ku faraxsan tahay heshiiska Kepa.

“Kepa waa ciyaaryahan tayo leh, isla markaana leh mustaqbal aad u dheer, waan ku faraxsanahay imaanshihiisa kooxda Chelsea”.

“Wuxuu qeyb weyn ka noqon doonaa guulaha kooxda Chelsea ay gaaro doonto sanooyinka soo socda, waa qandaraas dheer oo qeexaya kalsoonida aan ku soo qaadanay”.