Somali News Top News

Hagaamiye Al shabaab ah & Ciidamadiisa oo Goordhow la Xasuuqay

 

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa howlgala military oo ka dhan ah maleeshiyada Alshabaab oo ka dhacay Gobolka Shabeelada Dhexe,kaasi oo Alshabaab uu khasaare ka soo gaaray.

Howlgalka ayaa yimid markii maleeshiyada Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin deegaanka Haan Sheekh oo khayaas ahaantii 7 KM dhanka Waqooyi kaga aadan degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhexe, horjooge katirsan Alshabaab lagu dilay howlgalkaasi.

Dahnka kale Taliye kuxigeenka ciidamada Darwiishta Hirshabeele Col. Aadan Cali ayaa sheegay in ciidamada Xooga Dalka ay khasaare lagu gaarsiyay howlgalkaasi.

“Howlgaladii ayaa weli socda waxay isku dayeen in ay arbushaad ku soo qaadaan ciidamada Xogga Dalka iyo kuwa Hirshabeele’dhulka waa howd khasaare ayaa la gaarsiyay balse si rasmi ah looma oga maadaama deegaano howd ah ay ku firxadeen,’ Ayuu yiri Taliye Aadan.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa dhawaan sheegay in la qaadi doono howlgalo ka dhan ah Alshabaab la qaadi doono,iyadoo ay iskaashanayaan Ciidanka Xoogga Dalka,kuwa Darwiishta Hirshabeele iyo AMisom.

Related posts

Degdeg: Alshabaab oo Goordhaweyd Ceelcade Kusoo bandhigtay Maxaabiis Kenyan ah oo ay ku qabteen Dagaalkii Shalay.

admin

Wasiirka Arimaha dibada Dalka Qatar oo ka warbixiyey Sababta cadaadiska lagu haayo Somaliya

admin

Ra’isul wasaare kheyre oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid xildhibaan Khaliif Sheekh Cabdullaahi

admin