Animation

Guriga Anisa Mohamed oo ka tirsan Goobjoog oo Al-Shabaab weerartay maanta. 

no responses
Friday November 20, 2015 - 6:37 under Somali News by admin
mqdefault
Kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ayaa maanta weerar ay ku bartilmaaneedsanayeen Anisa Mohamed oo ka tirsan Goobjoog Media, gaar ahaan qeybta IT-ga ayey ku qaadeen gurigooda.
Kooxdan oo saddex jeer oo hore telefoon ugu hanjabtay Anisa ayaa waxay guriga yimaadeen xilli aysan Anisa joogin, balse ay joogaan hooyadeed iyo gabar la dhalatay, kuwaasi oo ay u geysteen jiirdil xooggan, maadaama ay u sheegi waayeen meesha Anisa Mohamed joogto xilligaasi.
” Waxaa maanta gurigeena soo weeraray Al-Shabaab, waxaana ay rabeen inay i dilaan, waanse ka maqnaa waqtigaasi guriga, oo guri deriska ah oo ay leeyihiin gabar saaxiibtey ah ayaan joogay, waanse ogaa in nafteyda khatar ugu jirto kooxdaasi markasta, haddase hooyadeey iyo walaasheey ayey jiirdileen” ayey Anisa Mohamed u sheegtay warbaahinta Kismaayo24.com oo la xiriirtay.
Dhinaca kale, kooxda guriga soo weerartay oo ahaa laba nin oo madaxa iyo wajiga soo qarsaday ayaa ku goodiyey inaysan marna ka hari doonin dilista Anisa Mohamed, oo ay ku tilmaameen inay tahay murtad u shaqeeya gaalada iyo cadowga islaamka.
Ma ahan wax cusub in kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ay weeraro dil ah u geystaan wariyayaasha Soomaaliyeed ama ay hanjabaado usoo diraan, ee waxay howshaasi wadeen tan iyo 2006, iyagoona dilay wariyayaal kor u dhaafaya 60 . Waxaana ka barakacay boqolaal wariyayaal ah oo naftooda kala cararay dalka Soomaaliya.