Breaking News Somali News

Guriceel oo difaac leysugu jiro & Qof shacab ah oo afduub loo heysto.

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay Dagaal Maleeshiyo beeleed iyo Ciidamada Ururka Ahlusunna ku dhax maray Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii Maleeshiyo Beeleed ay Ruux shacab ah ka soo afduubteen Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ay la soo galeen Degmadaas iyadoo Maamulka Ururuka Ahlusunna ay maleeshiyada ka dalbadeen in ay ku soo wareejiyaan ruuxaas.

Maleeshiyada ayaa Amarkaas iska dhega tiray iyadoona uu goobta ka qarxay Dagaal xoogan oo la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 5 ruux oo dhinacyadii dagaalamay waxaana intaa kabadan dhaawacyda oo xitaa ay ku jiraan dad shacab ah oo rasaasta ay guryahooda  ugu tagtay.

Xiisad horleh ayaa weli halkaa ka taagan waxaana saacad kastaa la filan karaa dagaal Maadaama ay Maleeshiyada diideen in ay ruuxa Afduub ay uheystaan soo wareejiyaa.

WIXII SOO KORDHA HALKAN KALA SOCO INSHA ALLAH

Related posts

Qarax xooggan ay dad badan ku dhammaadeen oo ka dhacey dalka Afgaanistaan .

admin

Daawo: Ra’isul wasaare kheyre oo maanta shacabka ku abuuray kalsooni aysan horay u arkin kadib markii uu shaaciyay …..

Tifaftiraha K24

VIDEO: Kheyre iyo Xasan Shiikh oo Hal arin Isku afgartay

admin