Animation

Guoomiyahaya Hay’ada caanka ah ee Somali American Leadership Council Cali Jaamac oo baaq u diray Reer Caabudwaaq.

no responses
Thursday September 8, 2016 - 9:25 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Gudoomiyaha Hay’ada caanka ah ee Somali American Leadership Council  Cali Jaamac oo ku sugan magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay waxa ka dhacay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduus halkaas oo rag hubaysan ay ku laayeen dad shacab ah.

Waxa uu ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay falkan iyo kuwuu ku dhawaacmay isaga oo dhanka kale ugu baaqay dadka deegaanka iyo waxgaradku in ay u istaagaan sidii loo xakamayn lahaa arintaasi inta aysan noqon mid faraha ka sii baxda.

“Falalka dilka ee ka dhaca Caabudwaaq waa kuwo wiiqaya hanaanka Nabada ee magaalada oo ahayd magaalo horumar hiigsanaysay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Nabadoonada, Ugaasyada, Cuqaasha, Ganacsatada, iyo qeybaha bulshada ee magaalada Caabudwaaq ayuu ugu yeeray in ay gacmaha is qabsadaan isla markaana xal waara laga gaaro dialalka aanooyinka ku salaysan.

Dhinaca falkan gaystay ayuu ka codsaday in ay ka qeyb qaataan wax walba oo xal iyo daganaansho keeni kara isla markaana aysan ka seexan joojinta dhibaatadan dhiiga wadata.

Cali Jaamac waxa uu ka digay in ay dhacdo dhimasho iyo dhawaac ka badan mida maanta ka dhacday isaga oo dhanka kale qurbajoogta deegaanka ka soo jeeda ka codsaday in dhanka wanaaga iyo xasiloonida looga qeyb qaato xalinta mushkiladan, oo ah mid ka dhex dhacday dad ehel iyo walaalo ah.