Animation

Gudoonka Baarlamaanka oo Guddi u saaray soo diyaarinta mooshin ka dhan xadgudubka Kenya ee somaliya

one response
Friday November 13, 2015 - 11:19 under Somali News by admin
mqdefault

DalxaSida uu warbaahinta u xaqiijiyay Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dalxa oo ah Gudoomiye xigeenka Gudiga arimaha dibada Baarlamaanka waxaa la magacaabay Gudi ka kooban 5 xubnood kuwaasoo soo diyaariya qaraar ka dhan ah Dowlada Kenya gaar ahaan dhismaha sharci darada ah ee ay ka wado xad beenaadka.

Dalxa wuxuu intaasi ku daray in qaraarka marka la soo diyaariyo lagu wareejin doono Gudoonka Baarlamaanka markaasi kadibna ay hor keeni doonaan Xildhibaanada si go’aan looga gaaro.

Shalay ayay ahayd markii Golaha wasiirada ay sidaan oo kale uga hadleen kana dhiidhiyeen xadgudubka Dowlada Kenya ku heyso dhulka Soomaaliyeed xili hore gumeystuhu dhul soomaaliyeed u siiyay.

“Gudiga la magacaabay wuxuu ka kooban yahay 5 xunood oo afar ka mid ah ay yihiin gudiga arimaha dibada halka midka shanaadna yahay habdhowraha Baarlamaanka”ayuu yiri Xildhibaan Dalxa

Xiisad ayaa ka dhalatay dhaq dhaqaaqa Kenya ka wado  xad beeneedka labada dal gaar ahaan nawaaxiga Baladxaawo halkaasoo ay doonayaan inay darbi ka dhisaan waxaana ka carooday talaabadaasi dhamaan Soomaalida qeybaheeda kala duwan.

kismaayo24.com