Gudoomiyihii ugu ‘dayda weynaa oo loo Magacaabay degmo ka tirsan Muqdisho

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Yariisow ayaa wareegto ku magacaabay guddoomiyaha cusub degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Muuse Geesey Jimcaale oo ah nin 72 jir ah ayaa loo magacaabay xilka Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, isagoo bedelaya C/weli C/llaahi Maxamed oo ka mid ahaa labo gudoomiye degmo oo xilka laga qaaday maalintii shalay.

Ninkan ayaa noqonaya masuulka ugu da’da weyn maamulka gobolka Banaadir ayaa horey ula soo shaqeeyey qaar ka mid ah maamulada degmooyinka Muqdisho.

Magacaabidan ayaa la sheegay iney qeyb ka tahay isbedel maalmahan la hadal hayey in lagu sameynayo qaar ka mid ah masuuliyiinta degmooyinka gobolka Banaadir sababo kala duwan awgood.