Gudoomiye Jawaari Ayaa Shir Ja’id Uu Hada Qabtay Ku Sheegay In La Weerayay Barlamaanka

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goordhaw shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Hargeysa, waxa uuna Jawaari ka hadlay mooshinkii laga keenay iyo cida ka dambeysa.

Jawaari ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya gadaal ka riixeyso mooshinka ay isaga ka keeneen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka, waxa uuna intaa raaciyay in waxa loo socda uusan isagu aheyn balse la doonayo in meesha laga saaro awooda Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaaka  ayaa sheegay in sababta xiligan mooshinka looga keenay ay salka ku heyso arimo uu diiday in uu saxiixo oo dhibaato ku ahaa nidaamka, mabda’a iyo ammaanada ay shacabka u dhiibteen.

” Waxa loo socdo maahan aniga Jawaari ah balse waxaa loo socdaa in Baarlamaanka laga dhigo kii 8-aad oo kale,waxaana mooshinkan in la keeno sabab u ahaa arimo aan diiday in aan saxiixo oo dhibaato nagu ahaa ” Ayuu yiri Jawaari.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in uu diyaar u yahay uuna ogol yahay hadii Xildhibaanada mooshinka dib usoo celiyaan soona buuxiyaan tirada uu ansaxa ku noqon karo. in cod loo qaado

Hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili Xildhibaanada ay u kala jabeen labo garab kuwa mooshin ka wada Jawaari iyo kuwa isaga taageersan kana soo horjeeda mooshinka.