Gudoomiye Faysal Cali Warabe oo shaaca kaqaadey.

0

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay Arrimo badan oo xasaasiya oo ay ka mid tahay in Amisom ay tagayaan Somaliland..

Guddoomiye Faysal ayaa ka dhawaajiyey inaanay marnaba xisbiyada Kulmiye iyo Ucid aysan ku heshiinin inay Somaliland ka dhacdo Doorasho ay labadooda xisbi oo keliya ay ka qeyb-galaan.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale wuxuu markii u horeysay shaaciyey heshiis gaar ah oo dhex-marey Guddoomiye Ciro, kaasi oo ahaa inay Somaliland keenaan Ciidammada nabad ilaalinta ee AMISOM.

Guddoomiyaha oo ka hadlaya Arrimahaas ayaa wuxuu yiri “Waxaanu nidhi Doorashadu ha dhacdo ee Maanu odhanin laba Xisbi ayaa qabanaya, sida Sharcigu sheegayana ha dhacdo 12-ka December, 2019, Komiishankii uu Waddani yidhi kuma kalsoonina ay meesha ka baxayaan, markaa geesta kasta wuu guulaystay, laakiin Ninkii wuxuu yiri ‘Baroortu Orgiga ka weyn’ arrintu Komiishanka way ka weyn tahay”