Animation

Gudoomiyaha Ururka Hayaan Media Develoment Center Sayid Ali Aseyr oo cambaariyay xariga shaqaalaha Universaltv

no responses
Saturday October 3, 2015 - 1:23 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Gudoomiyaha Ururka Hayaan Media Develoment Center Sayid Ali Aseyr ayaa aad u cambaareeyay xariga loo geystay Agaasimihii taleefishinka Universal ee Bariga Afrika Cabdullahi Xirsi Kulmiye iyo saxafiga caanka  ah ee Cawil Daahir Salaad oo maalintaa labaad u xiran Dowladda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Hamaan Media ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in lasii deeyso Shaqaalaha Universaltv oo ku xiran xabsi ku yaalo magaalada Muqdisho, hadalka Gudoomiyha waxaa ka mid ahaa sida tan

” Waxaa fool xumo ah in la xiro dad u adeegayo bulashada Soomaaliyeed waliba ah saxafiyiin gudanayay waajibaad kooda shaqo waxaan marlaad leeyahay Xukumadda Soomaaliya sii daaya oo siiya xuriyadooda kana daaya caburinta Saxaafadda aad ku heysaan, Wariyahu waa u adeegaha bulashada, waa runsheegaha, waa xaqiiq tabiyaha  sii daaya Agaasimaha iyo Wariyaha”

Shaqaalaha Unversaltv ayaa xarigooda loo sababeeyay Dood wadaag 30 kii bishaan laga sii daayay oo laguna  casuumay labo xildhibaan o ka tirsan Dowlada kuwaa oo dhaliiyay Dowladda hadda jirto.

 

Facebook Comments