Somali News Top News

Gudoomiyaha jaaliyada Galmudug Ee Sweden oo loo doortay Cali Salaad Axmad Cali

Jaaliyadda Soomaliyed ee ka soo jeeda Deegaanada Galmudug ayaa doortay Gudoomiye cusub oo ay yeeshan Jaaliyada Galmudug ee Dalka Sweden waxaana loo doortay in uu gudoomiye noqodo Shaqsi lagu Magacaabo Cali Salaad Axmad cali.

Xilka Gudoomiye ee Jaaliyada Galmudug waxaa isku soo sharaxay laba Musharax oo kala ah Cali Salaax Axmad cali iyo Maxamad Axamd Cod Bixin dheer ka dib waxaa si rasmi ah loogu doortay in uu hogaamiyo jaaliyadda Soomaliyed ee Dalka Sweden Mudane Cali Salaad Axmad Cali.

Guud ahaan Waxa Cod Bixinta Doorashada ka qeyb galay 18 Xubnood waxaana goobta doorashada xaadir ku ahaa 17 Xubnood halka Cod Bixiye kalana uu maqane ka ahaa goobta Cod Bixinta Codadkii la dhiibtay 16 kamid ah waxa ay ugu shubeen Cali Salaad Axmad Cali halka Cod Bixyaha kale uu Codkiisa ugu shubay Maxamad Axmad sidaasna waxaa guusha ay ku Raacday in uu Gudoomiye u Noqdo Jaaliyada Soomaliyeed ee ka soo Jeeda Galmudug ee ku Nool Dalka Sweden Mudane Cali Salaad Axmad Cali.

Related posts

Daawo: Qaabka ay u dhacday ansixinta golaha wasiiradda iyo sida loo dhaariyay wasiiradda cusub

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Dhageyso: Dadki dhawaan ku soo dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Masjid Beledweyne ku yaalo iyo Dhaqaatiirta Daaweyneysay oo Arin yaab badan ay kala qabsatay

admin

Top News: Maxaadan Ogeyn Oo Maantey Ka Jira Turkey-ga!!!

admin