Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Amisom Baaq U Diray.

0

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka dalbadey Saraakiisha Amisom ee Gobolkaasi in Xaafadaha Magaaladda Baladweyne laga Hirgaliyo Sal dhigyo Boolis si ay qayb uga noqdaan Dardargalinta Amaanka.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa arintaasi ku tilmaamay mid ahmiyad weyn ugu fadhida Magalada Maadama ay badan yihiin falalka amni daro ee Degmadda Gudaheeda.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa inta badan waxaa ka dhaca falal lidi ku ah amaanka, waxa uuna maamulku dalbanayaa si wax looga qabto arintaasi in loo baahan yahay saldhigyo Magaalada gudaheeda ah.

Baaqan ka yimid Hogaanka Maamulka Hiiraan lama oga in ay aqbalayan iyo in kale Ciidamada Amisom ee ka Hawlgala Gobolkaasi.