Gudoomiyaha Barlamanka Somaliya iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo gaaraay Magaalada.

0

Wafdi ay hogggaminayaan Guddoomiyeyaasha Baarlamaada Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo dhiggiisa dalka Jabuuti mudane Maxamed Cali Xaamud ayaa ka qeyb geli doona furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Koonfur galbeed,iyagoo sidoo kalena kulamo la qaadan doono Madaxda ugu sareysa maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta wafdiga ayaa hadda ka socda Garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo’ iyadoo amniga magaalada si weyn loo adkeeyay.