Breaking News Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Shaqeeya Mucaaradka Dowlada Somalia.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu si hoose ula shaqeynayo mucaaradka ku kacsan Dowlad madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiye Jawaari ayaa xiriir joogta wuxuu la leeyahay Siyaasiyiinta ururka Damu-jadiid iyo kuwa kale uu ka mid yahay Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo si weyn uga soo horjeeda dowlada Federaalka.

Jawaari ayaa ka mid shaqsiyaadka sida weyn kaga soo horjeeda go’aanka dowlada ee Khaliijka, wuxuuna xulafo la yahay Dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga, iyadoo la ogaaday inuu dhaqaale fiican ka helo, si uu u buuro olole ka dhan ah Dowlada Farmaajo, shacabkana aysan ogaan.

Guddoomiye Jawaari oo Shaarar badan gashta ayaa dhawaan lagu waday inuu safar ku tago dalka Turkiga laakiin waxaa ka horyimid Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu halkaasi kulamo kula qaadan lahaa Mucaaradka ugu weyn dowlada uu ugu horeeyo Madaxweynihii uu xilka kala wareegay Farmaajo ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiinta kale ee Xisbiga Damu-jadiid.

Related posts

Ciidanka Nabad sugidda oo baadi goobaya Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

admin

Maamulka Jubbaland oo sheegay in ay xoojinayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Sakariye Sakariye

AKHRISO:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shaqada ka joojiyey Mid kamida shaqaalaha Gobolka

Ahmed sudani