Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News Xulashada K24

Gudoomiya Kuxigeenka Barlamaanka C/weli Muudey ooka biya  diiday in shirarka Baarlamaanka lagu qabto…

Warar hoose ayaa sheegaya in Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Somaliya Mudane Muudey oo gacansaar Xoogan la leh xukuumadda Ra’iisal wasaare Kheyre uu meesha ka saaray dalab kaga yimid Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ku saabsan in kulanka Baarlamaanka lagu qabto Teendhada Xalane ee lagu doortay madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Arrintan ayaa noqotay khilaaf kale oo kusoo kordhay muranka ka taagan Mooshinka Jawaari, waxaana dalbaday in ciidamada laga qaado xarunta Baarlamaanka Guddiga Aqalka sare iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.

Dhanka kale Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xukuumadda ay dib ugu soo celisay xarunta Baarlamaanka qeyb yar oo ka mida askartii ilaalada ka ahayd xaruntaasi, iyadoo ciidamadii hore loo geeyay ay ilaalo ka hayaan xeyndaabka xarunta aqalka Baarlamaanka.

Related posts

DEG DEG: Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Puntland oo xilka Iska Casilay

Tifaftiraha K24

Xasaasi: Maxaa kusoo kordhay oo aadan ka war qabin koontaroolka magaalada garoowe oo horay ay ula wareegeen ciidamo gadoodsan??

Tifaftiraha K24

UN Monitoring Group Report: Somalia’s Political Spoilers: Senator Omar Abdirashid Sharmaake?

admin