Animation

Gudomiye Kuxigeenka Barlamanka Galmudug oo shaciyay xiliga laga doodayo Mooshinka laga keenay Gudomiyaha Barlamaka Galmudug.

no responses
Friday October 28, 2016 - 7:39 under Somali News by admin
mqdefault

Iyadoo dhawan xildhibaano ka tirsan barlamaanka galmudug ay sheegeen inay mooshin ka gudibeen Gudoomiyahahn Barlamanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa maanta waxaa arintaasi ka hadlay oo shir jaraa’id Cadaado ku qabtay ku xigeenkiisa kowaad xareed cali xareed.

Waxaa uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee wakiilada Galmudug Xareed Cali Xxareed in uu mooshinkaasi ahaa mid sharciya xeer hoosaadka marlanamkana ay u mareen xildhibaanada keenay balse dib loo dhigay ka doodistiisa ilaa ay ka dhamaanayaan howlasha doorashooyinka iyo colaadaha ka jira deegaanada galmudug qaarkood.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamy inay muhiimtahay wada shaqeynta labada gole ee dowlada Galmudug maadaama lagu guda jiro xili howlo badani jiraan.

Gudoomiyaha Barlamanka Galmudug Gali Gacal Casir ayaa labo maalin ka hor sheegay in uu xirayahay kal fadhiga labaad ee Barlamanka hayeesheen waxaa arintaasi ka biyay diiday xildhibaanada mooyinka keenay.