Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Gudomiyaha Gobolka Shabellaha dhexe oo…

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan maamulkiisa iyo saraakiil ciidan ayaa maanta booqasho ku tegay deegaanka Biyo Cadde ee ka tirsan degmada Jowhar halkaasoo maalmo ka hor ay la wareegeen ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM.

Guddoomiye Guudlaawe ayaa iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay deegaanka Biya Cadde isagoo la kulmay waxgaradka deegaanka kalana hadlay sidii ammaanka looga shaqeyn lahaa, isla markaana adeegyadii bulshada loo soo celin lahaa.

Wuxuu sheegay gudoomiyaha in dadka ku nool deegaanka Biyo cadde ay u bilaabatay nolol cusub, isagoo balan qaaday in maamulkiisu uu ka hirgelin doonaan deegaankaasi dugsiyadi waxbarashada, xarumihii caafimaadka iyo adeegyadi kale ee lagama maarmaanka u ahaa bulshada.

“Waxaan ku suganahay deegaanka Biyo Cadde oo ciidamada qalabka sida iyo AMISOM, oo is kaashanaya ay ka xoreeyeen Nabadiidka, deegaanka waxaa la qabtay, iyadoo aanay wax dhibaato ah dhicin, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii loo soo celin lahaa adeegyadii bulshada, oo ay ugu horeeyaan waxbarashadii iyo caafimaadka”ayuu yiri Guddoomiye Guudlaawe.

Guddomiyaha ayaa intaasi raaciyay in deegaanada kale ee gobolka laga saari doono haraadiga maleeshiyaadka Shabaab, isagoo tilmaamay in maamulka gobolkana uu ku dadaali doono sidii loo xaqiijin lahaa amaanka deegaanada laga xoreeyo UGUS.

Deegaanka biya cadde ayaa khamiisti la soo dhaafay laga xoreeyay maleeshiyaadki Shabaab kaddib howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen halkaasi,

Related posts

Kulan Uu Soo Qaban Qaabiyey Maamulka Jubbland Oo Lagu Taageeray Musharaxnimada Prof Jawaari (Video)

admin

Deg-deg: Puntland Oo Ciidamadeeda Heegan Gelisey, Iyadoona……………………………

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Top News Maamulka Gobalka Bari oo sheegay shaqaaqadi Boosaso inay kadambeyan Gacmo shisheeye

Tifaftiraha K24