Gudomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Cadaalada Shacabka Xaq ayay u leeyihiin in ay Dibad baxyo dhigtaan.

0

Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Cadaalada  Cabdulqaadir Diiriye Faarax ayaa difaacay in dadka Muqdisho ay sameeyaan isku soo bax nabadeed oo ay ku muujinayaan dareenkooda, isagoo si kulul u weeraray sida dowladda u dooneyso inay u hor-istaagto dareenka shacabka.

Cabdulqaadir Diiriye Faarax ayaa sheegay inay xaq dastuuri ah ay tahay in muwaadinka Soomaaliyeed in dareenkooda ku cabiraan isku soo bax nabadeed, isagoo xusay in aan cidna looga heebeysaneyn.

“Waa xaq Dastuuri ah in muwaadinka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho ay dareenkooda isku soo bax nabadeed ku cabiraan, mana jirto cid ay kaga heebaysanayaan, magac Diin, siyaasad iyo dhaqan midkii ay doonaan ha sitaan”ayuu yiri Cabdulqaadir Diiriye Faarax.

Cabdulqaadir Diiriye Faarax ayaa soo hadal qaaday dad isugu jira siyaasiyiin, odayaal iyo culimo oo warbaahinta ka hadlayay, kuwaasoo ka digayay banaan baxyada, waxaana uu ku tilmaamay dadkaas in aysan marna ka damqan dhibaatada loo geysto xoogsatada soomaaliyeed ee xaqdarada lagu dilay.