Animation

TOP NEWS :- Gudiga doorashada Galmudug oo markii Sadexaad ku xadgudbay Ugaaska Beesha Sade iyo Caro ka dhalatay arinkasi.

no responses
Thursday October 27, 2016 - 9:16 under Somali News by admin
mqdefault

Gudiga doorashada Heer Maamul Goboleed ee Galmudug  oo Maalmo ka hor  si aan xushmad lahayd ula dhaqmay Ugaaska Beesha Sade iyo Labo ka mid ah Odayaasha Saxiixeyaasha  ka mid ahaa  136 da oday ayaa mar kale  ku dhaqaaqay ficilkii ay horay u sameyeen.

 

Gudigaan oo ay ka buuxan dad aan waxba ka aqoon sida lola dhaqmo  Boqorada iyo Ugasyada beelaha ay leeyihiin miisankana ku leh Gobolada dhexe ee Somalia ayaa markii sadexaad shalay ku ceshay  Ugaaas ka iyo odayashi la socday  Ergoyinkii Beesha Sade uu soo dooran lahaa  labo ka mid ah Barlamanka Somalia.

 

Hadaba markii ay dhaceen dhacdoyinkaasi isku xiga  islamarkana aysan waxba ka qaban Gudiiga doorashada Heer Fadaraal ayaa waxaay arinkaasi caro ku beertay  Odayaasha Saxiixeyaasha Beesha Sade  waxaayna Go,ansaden in ay  dacwad ka gudbiyaan  Gudigaan kulansaday  Xushmad la,anta iyo waliba Tuhun laga qabo in ay  lacago musuq maasuq ah ka qaateen  shaqsi Musharax ah.

 

Ugaaska Beesha Sade  Axmed Barre Takooy  ah na Saxiiixe ka mid ah Odayaasha 136 da ah Suldan  Xasan  Yare iyo Nabadoon Jamac Shire  oo  ayaguna ka mid ah Saxiixeyaasha  136 da ah  ayaa manta lagu wada in ay shir jaraid qabtaan islamarkana Warqad  Dacwad ah  oo ku qoran luuqada English ay u gudbiyaan  Beesha Calamka taaso qiraysa sida logu xadgudbay Awoodoodi saxiixenimo iyo in gudiga Doorashada  usan dhex dhexaad ka ahayn  kuraasta Cadaado Taala.

 

Sido kale Xisbiyada Mucaaradka wadanka ayaa ayaguna maalinta bari ah war ka soo saari doona Musuq Maasuqa iyo Cadaalad darada ay ku  kaceen Gudiga Doorashada Heer Maamul Goboleed ee Galmudug iyo sida Gudiga doorashada  dadban ee her fadaral aysan waxba uga qabanayn arinkaasi.

Dhanka kale Magaalada Cabudwaaq ee Bartamaha Somalia ayaa waxaa ka socda Qaban qaaabo Mudaharad loga soo horjeedo sida Gudiga doorashada Heer Maamul Goboleed ay ula dhaqmeen Ugaaskooda.