Animation

Gudiga Aaska Qaran iyo Qoyskii Marxuun Sh Maxamed Aw-Libaax oo u mahad celiyay Madaxda Qaranka iyo…

no responses
Saturday June 24, 2017 - 7:51 under Somali News by admin
mqdefault

Aniga oo ku hadlaya magaca gudiga qabanqaabada Aaska Qaran ee Marxuun Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax iyo midka qoyska u ka baxay marxuunka waxan uga mahad celinaya madaxda qaran sida qimaha badan ee ay uga qayb qateen Aaski Qaran ee lo sameeyay marxuunka Sh Maxamed Aw-libaax.

Waxaan si gaar ah ugu mahad celinaya Madaxweynaha iyo Raisalwasaraha oo ayagu waqti badan ku bixiyay in Aaskan u si sharaf leh u dhaco.

Madaxweynaha asago wadanka ka maqan ayu sacad saacad u so hadlayay halka Raisalwasarahana uu Awaamiirta siinayay Wasiirada Dhalinyarada iyo Wasiir kuxigeenka Macdanta iyo patroolka oo iyagu madax u aha gudiga dhanka Fadaralka ka socday .

Waxan mahad midaasi la mid ah u jeedinaya Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland iyo wafdigii heer wasiirada ahaa ee ay u soo direen ka qayb qadashada Aaska Qaran ee lo sameeyay Marxuun Maxamed Aw-libaax.

Sido kale waxa xusid iyo mahad mudan Masuliyiinta labada Aqal ee arinkan waqtiga badan galiyay sida Sanator Fartaag, Sanatoor Iftin Baasto Xildhiban Farah Abdi Hasan Xildhibaan Nadiifo Farah iyo Xildhibaan Dalays.

Taarikhda Marxuunka oo kooban

Sh Maxamed Aw libaax waxa uu ku dhashay Magaalada Ceel Cade ee Gobolka Gedo waxbarashadisa hoose waxa uu ku soo qatay isla Gobolka Gedo ka dib waxa uu ku biiray Ciidamada Xogga Somalia oo uu ka garay darajaada Gaashanle Dhexe,

Intii uu ciidamada ahaa waxaa uu ka soo shaqeeyay Gobolada Sh hoose Banaadir Awdal iyo Sanag Burburki Dowladi dhexe waxa uu u weecday dhanka ganacsiga balse 15 ki sano ee ugu danbaysay waxaa uu ku jiray Siyaasada Somalia oo uu heerar kala duwan ka garay.

Sh Maxamed Aw-libaax waxa ka mid aha As aseyaasha Ahlusunna Waljamaca garabka hubaysan ee l dagaalamay Al shabaab waxana uu ugu danbeyn ka noqday Gudomiye.

Asago Gudomiye ka ah  Ahlusunna ayu ku biiray Saxiixeyaash Road Mapka shaqo badan oo ay so qabteen ka dib saxiixeyaashi waxay shaqadoodi dhamatay marki ay wadada u xaaren dowlad rasmi ah oo ka dhalatay Dalka Somalia.

Maxamed Aw-libax waxa uu isla markiiba ka mid noqday 4 Siyaasi oo dhidibada u taagtay Jubbaland kuwaas oo kala ahaa Axmed Madoobe ,Awlibaax,Fartaag iyo Macalin Maxamed heshiiska Jubbaland lagu dhisayo waxa u ka dhacay Nairobi.

Mudo ka dib Maxamed aw libaax waxa uu ku baxay khilaaf so kala dhex galay asaga iyo 3di masul ee kale balse waan waan Mudo qadatay ka dib heshiis ka dhacay Kismaayo ayu Maxamed aw libaax dib ula midobay Jubbaland.

Wasiirkii dhalinyarada iyo Isboortiska Jubbaland Marxuun Maxamed Aw-libaax waxa uu aha Shaqsi ahlu diin ah waxa u dhintay maalin khamiis ah lagu jiro 10ka danbe ee Ramadan ku beegan 27 Ramadan waxana la asay maalin jimco ah waxan ilahay uga baryayna in u janadii fardowso ka waraabiyo. Amin Amin Amin

 

Ali Dahir Eid Xubin Gudiga Aaska Qaran ee lo sameya Wasiirki dhalinyarada iyo Isboortiska Jubbaland .