Animation

Guddoonka Baarlamanka oo war ka soo saaray Mooshinka M/weynaha laga wado

no responses
Friday August 28, 2015 - 7:28 under Somali News by admin
mqdefault

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qabtay 12-kii Bishaan Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheik Maxamuud oo ay ku Saxiixnaayeen Xildhibaano gaaraya 93 Mudane.

Intaa ka dib waxaa soo baxayay Qeylo dhaan ku aadan Mooshinka oo ay wadeen Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha, kuwaas oo Guddoonka Baarlamaanka ka dalbanaya inuu Deg Deg Xildhibaanada u horkeeno si Cod loo galiyo.

Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo maanta la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in aan Mooshinkaasi Baarlamaanka la horgeyn doonin ilaa ay Maxkamadahu ay soo Cadeeyaan Eedaha loo soo jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya in ay dhab yihiin iyo in kale.

“Mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya ma ahan mid lamid ah kuwii laga keeni jiray Ra’iisul Wasaareyaashii kal soonida lagala laabtay,waayo Madaxweynaha wuu ka duwan yahay kuwaas”ayuu yiri Cawad.

Si kastaba waxaa jirtay in Xildhibanaada wada Mooshinka ay dalbanayaan in Deg Deg Baarlamaanka loo horgeeyo Mooshinkaasi.