Animation

Guddoomiyihii hore ee Xamar-Jajab oo Al-Shabaab dil ugu hanjabtay.

3 responses
Friday May 2, 2014 - 8:01 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Maxamed Ali Ahmed, oo ahaa guddoomiyihii hore ee degmada Xamar-Jajab ayaa maanta waxaa uu saxaafadda u sheegay hanjabaad uga timid kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Guddoomiye Mohamed Ali oo xilka wareejiyey dhowr cisho ka hor ayaa iminka waxaa soo wajahay cabsi xoogaan, maadaama  uu iminka helayo hanjabaada Al-Shabaab, iyaddoo aysan jirin wax ciidan ah oo ammaankiisa ilaaliya.

Mohamed Ali Ahmed oo sharaxaya nooca hanjabaada ah ee uu ka helay Al-Shabaab ayaa yiri :

“Waxaa  la iga soo wacay telefoon qarsoon, waxaana la iigu hanjabay dil foolxun inay ii geysan doonaan, iyagoo waliba muujiyey inaysan xitaa reerkeyga dhaafi doonin” ayuu yiri Guddoomiye Mohamed Ali Ahmed.

Dhinaca kale, waxaa uu sheegay inay dowlada Soomaaliya wax damaanad-qaad ammaan ah siin guddoomiyayaasha gobolka Banaadir oo ay xilalka ka qaadeen, taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay dayac ammaan oo heysta madaxda uu ku jiro.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

“Dowlada xilkii waa innaga qaaday, haddana ma aysan inoo sameyn nidaam aan uga badbaadi karno halista argagixisada ee aan heleyno maalinkasta” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Horey ayaa Al-Shabaab waxay dil ugu geysatay madax badan oo markii xilka laga qaaday aan helin ammaan ay uga badbaadaan qatarta Al-Shabaab, kuwaasi oo isugu jiray guddoomiyayaal gobol, degmooyin, xildhibaano ilaa wasiiro hore.

 

Xaliimo Farax

Muqdisho,  Somalia

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Leave a Reply

Your email address will not be published.