Somali News

Guddoomiyihii hore ee Caasimada Maamulka Galmudug oo

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in halkaas Xalay lagu xiray Guddoomiyihii hore ee degmada Dhuusamareeb ugu Magacaawnaa hoggaanka Ahlusunna Axmed Walad Cabdalla.

Guddoomiyihii hore iyo xubnaha la socday ayaa lasoo sheegayaa inay xireen ciidamada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya geysay Magaalada Dhuusamareeb.

Xubnaha la xiray ayaa xilliga la xirayey waxay kasoo baxeen Xerada Inji oo xarun u ah hoggaanka Ahlu Susnna ee ku biiray Maamulka Galmudug isla markaasna hadda aan aqoonsaneyn madaxweynaha dowladda ay wadato ee Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Sababta loo xiray xubnahaan ayaa lagu sheegay inay tahay amar kasoo baxay madaxda ugu sareyso Maamulka Galmudug oo lagu amray in lagu xadido dhaqdhaqaaqa gelintaanka ama kasoo bixidda Xarunta Inji oo ay gacanta ku hayaan ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna.

Related posts

XOG: K24 Oo Ogaatey Goobaha, Goorta Iyo Qaabka Ay Doorashadda Madaxweynaha Iyo Baarlamanka U Dhaceyso!!

Tifaftiraha K24

Daawo: Amisom oo Si Rasmi ah Gobolka Shabeellada hoose uga bilowday Howlgalkii uu Farmaajo ku dhawaaqay

admin

Shaqaalaha Dawladda oo Qayla-dhaan xooggan ka muujiyey Mushaar la’aan haysata Afar  Bilood oo xiriir ah

admin