Animation

Guddoomiyihii Gobalka Sh/hoose C/qaadir Sidii oo Xilka Laga qaaday Maanta

one response
Wednesday November 11, 2015 - 5:09 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta booqday magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa ku dhowaaqay wareegto uu xilka ugaga qaaday guddoomiyihii Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii.

Munaasabadan ka dhacday Afgooye ayuu sidoo kale Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu ugaga dhowaaqay guddoomiyaha cusub ee gobolka Sh/hoose inuu yahay Ibraahim Aadan Cali.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ammaan u soo jeediyay guddoomiyihii hore ee gobolka Sh/hoose C/qaadir Siidii.

Hase yeeshee madasha loogaga dhowaaqay xilka qaadista guddoomiyaha gobolka Sh/hoose ayuusan joogin Siidii.

Gobolka Sh/hoose ayaa ka mid ah saddexda gobo lee ay ku mideysan yihiin maamulka Koofur Galbeed, hase yeeshee waxaa labadii sano ee la soo dhaafay hareeyay magaalo madaxda gobolka Sh/hoose ee Marka dagaalo sokeeye oo beelo ku dagaalameen.