Guddoomiye Yariisow “Aad baan uga xumahay in cayaartoydii ay Bajaaj raacaan waana baareynaa sababta”.

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo si kulul uga hadlay sababta wiilashii metelay xulkeena ay Bajaaj ku tagaan guryahooda isagoona sheegay in maamulka gobolka banaadir uu ciyaartooyda u diyaariyay basas qaada iyo shacab soo dhaweyntooda ka qeyb qaata.

“Aad baan uga xumahay in cayaartoydii ay Bajaaj raacaan waana baareynaa sababta. Gobolka waxuu diyaariyey busses iyo shacab soo dhoweeya kuna hubsanay Hotel Saxafi ka dibna ciddii u fasaxday waa in Dowladda Federaalka ay baartaa”. Ayuu yiri duqa muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa xusay in dowladda looga baahanyahay in ay baaris ku sameyso cida ka dambeysay in wiilasha ay bajaaj guryahooda ku tagaan.