Guddoomiye Mursal oo u muuqday in uu ka soo dabcay Mowqifkiisa hore ee Mooshinka

0

Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa muddo kadib waxa uu maanta kasoo muuqday warbaahinta kadib markii uu shir jaraa’id ku qabtay hotelka uu daganyahay ee u dhaw Garoonka diyaaraddaha.

Guddoomiyaha wuxuu ka hadlay dhowr qodob isagoo si dabacsan uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee taagan iyo xalka loo mari doono.

ARRIMAHA BAYDHABO MUXUU KA YIRI?

Guddoomiyaha wuxuu cambaareeyay xasaraddaha baydhabo ka taagan ee ka dhalatay xerritaankii dowladdu xirtay Abuu Mansuur waxaana shacabka Baydhabo uu ugu baaqay in ay is dajiyaan isagoo sheegay in ay xor u yihiin masiirka aayo ka talinta deegaannadooda.

QABASHADA ABUU MANSUUR.

Guddoomiye Mursal wuxuu dhaleeceeyay Wadada loo maray xarriga Roobow waxaana uu xusay Roobow in uu yahay muwaadin soomaaliyeed oo xaq u leh in uu wax doorto lana doorto, waxaana uu dowladda ugu baaqay in dib xoriyaddiisa ugu celiso lana geeyo deegaankii laga soo qabtay ee Baydhabo.

DOORASHADA KOONFUR GALBEED.

Guddiga doorashada koonfur galbeed ayuu ugu baaqay in ay dib u dhigaan doorashada inta xaalka uu ka dagaayo.

MUXUU VILLA SOMALIA UGA SOO GUURAY?

Guddoomiyaha wuxuu ka hadlay sababaha uu uga soo guuray Madaxtooyada isagoo sheegay in Xildhibaanada ay awood u yeelan waayeen in guddoomiyaha ay la kulmaan maadama buu yiri ay adkaatay in xildhibaanada ay gudaha villa somalia soo galaan, guddoomiyaha ma uusan sheegin in Isaga Xabsi guri uu ku ahaa villa somalia loona diiday cuntada iyo in uu dibadda uga baxo Madaxtooyada.

ARRIMAHA MOOSHINKA MUXUU KA DHAHAY?

Wuxuu sheegay in wadiiqo wanaasan oo xal u raadin ah loo mari doono mooshinka iyo khilaafka hadda taagan waxaana uu xukuumadda ugu baaqay in aysan xoriyadda ka qaadin xildhibaanada taasi oo hadhow cakirin karta xal ka gaarista khilaafka ayuu sheegay guddoomiyaha waxaana ay u muuqata in guddoomiyaha uu soo dabcay islamarkaana uu doonaayo in xal laga gaaro mooshinka iyo khilaafka ka dhashay ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo guddoonka baarlamaanka.