Breaking News Somali News Top News

Guddoomiye mursal iyo Ra’isul wasaare Kheyre oo Caawa kulan kuleh Muqdisho

Kulan aan caadi aheyn ayaa hadda waxa uu dhexmaraya Ra’isul wasaare Kheyre iyo guddoomiye mursal, kulanka oo ah mid albaabada u xiranyihiin ayaa waxaa labada mas’uul ay uga wada hadleen arrimaha mooshinka iyo sida xal waara looga gaari lahaa.

Kulanka ayaa waxa uu ka dhacaya meel ka baxsan madaxtooyada villa somalia maadama madaxtooyada loo arko meel aan dhex dhexaad aheyn.

Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ah qaar kamid ah xildhibaanada mucaaradka ah ee mooshinka ka keenay Madaxweyne Farmaajo.

Xiisadda koonfur galbeed ayaa sidoo kale lagu lafa guraya kulanka labada mas’uul.

Waxaa la filaya in guddoomiyaha iyo Ra’isul wasaaraha ay isku afgartaan xal ka gaaridda mooshinka iyadoo sidoo kale xildhibaanada lagu qancin doono in mooshinka ay ka laabtaan.

Wararka aan helaayo ayaa waxa ay sheegayan in kulamada ay yihiin kuwo aan kala go’ laheyn waxaana aad loo hadal haaya natiijada kulamaadan kasoo bixi kara.

Ra’isul wasaare kheyre ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay isagoo maalmihii lasoo dhaafay socdaal ku joogay magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qatar.

Related posts

Dhaagyso+Sawiro:- IGAD oo Xafiis Ka Furatay Kismaayo& shirkii soo Xulista Xildhibaanada oo Bilaabmay

admin

Dhagayso:- Top News Madaxweyne Silaanyo oo Weraar Afka ah ku qaaday Xasan sheekh " Aniga Xasan sheekh waxba kaweydiin maayo dhulkayga "

admin

DEG-DEG – Maamulka Jubba oo shaaciyey in uu xiriirka u jaray Dawladda Fedaraalka ah

admin