Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee G.Shacabka oo aqbalay mooshin laga gudbiyay Jawaari

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa aqbalay mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Mooshinkan waxaa saxiixay 108 ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya,waxaana ay ku doodayaan in guddoomiyaha Golaha shacabka uu ku fashilmay hab maamulka hoggaaminta Golaha shacabka Soomaaliyeed.

Eedaha ay soo jeediyeen kuma jiraan eedeymo ka duwan kuwii horay looga keeni jiray mas’uuliyiinta kale,waxaana hadda eedaha loo heysto ka mid ah in Guddoomiye Jawaari uu ku fashilmay  dhameystirka Guddiyada Golaha shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ah Guddoomiyaha Guddigga xeer hoosaaska Anshaxa,Xasaanadda iyo daryeelka Xildhibaannada Golaha shacabka oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in mooshinkaas laga gudbiyay.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka C/Wali Muuddeey oo mooshinkan ka qabtay Xildhibaannada ayaa la filayaa in uu waqti u qabto mooshinkan si looga dodo.

Xog hoose oo ay heshay Idaacadda Mustaqbal ayaa muujineysa in mooshinkan uu gadaal ka riixayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

https://scontent-lhr3-1.xx.fbcdn.net/v/t34.0-12/

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galaya shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

admin

Maxaadan OGeyn Oo Naxdinteeda leh Oo Xalay Magaaladda Muqdisho Ka Dhacay????

Tifaftiraha K24

XOG :- Dowlada Soomaalia oo guulo ka soo hoysay ………

admin