Somali News

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wafdi la socda oo lagu soo dhoweeyay magaalada Johannesburg, K/Afrika.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filsh) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Wafdiga Gudoomiyaha, ayaa saacado kooban ku sugnaa qeybta Transit-ka garoonka Ortambo, waxaana ay u sii gudbeen magaalada Durban ee gobolka KZN halkaasi oo shir caalami ah ay ugu – doonaan.
“Waxaan u mahadcelinaaya madaxda safaarada Soomaaliya ee dalka South Africa iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Johannesburg sida ay iigu soo dhaweeyen garoonka diyaaradaha ee Tambo International Airport” ayuu yiri gudodomiye Cumar Filish.
Duqa Muqdisho iyo wafdiga la socda ayaa waxay magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika uga qeyeb-geli doonaan shirka caalamiga ee Baarlamaanada Guddoomiyeyaasha  Global Parliament of Mayors (GPM).
Sidoo kale duqa Muqdisho ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Konfur Afrika waxaa uu kulamo la yeelan doonaa jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool Johannesburg, Pretoria iyo Cape Town.

Related posts

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Saakay ka Cusub Dagmada Garbahaarey Xili Maamulka Dagmada uu sheegay in ay …..

Tifaftiraha K24

Dhageyso:-Baarlamaanka Soomaaliya Iyo Jabuuti Oo Heshiis Gaaray

admin

Ma dhaqankii hoggaamiye kooxdyada ayaa dib ugu soo laba kacleeyay Soomaaliya?

admin