Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Ku Wajahan Magaalada Baydhabo iyadoo dib loo soo celin doono…..

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa Maalinta Berri ku wajahan Magaalada Baydhabo iyadoo warar soo baxaya ay sheegayan in dib loo soo celin doono Ciidamadii Dowladda Federaalka ay dhawaan geeysay Magaalada Baydhabo maadaama guddoomiyaha uu ku adkeystay mowqifkiisa ku aadan in dib loo soo celiyo ciidamada Baydhabo la geeyay.

Guddoomiyaha safarkiisa Baydhabo ayaa waxa uu kusoo beegmaya iyadoo la sheegay in uu khilaaf u dhaxeeyo madaxda Dalka iyo Guddoonka baarlamaanka kaasi oo ka dhashay kala diristii guddiga maaliyadda ee baarlamaanka iyo ciidankii Baydhabo la geeyay.