Somali News

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Guddi U Magacaabay Sharciga Doorashooyinka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay Guddi ka shaqeyn doona Sharciga Doorashooyinka qaranka oo dhawaan la horgeyn doono Xildhibaanada Aqalka Sare.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu magacaabay Guddigan oo ka kooban 7-xubnood oo dhamaantood ka tirsan Mudanaaysha Aqalka sare.

Sidoo kale Guddigan ayaa ka shaqeyn doona sidii Aqalka Sare loo horgeyn lahaa Sharciga Doorashooyinka qaranka, iyagoona dood adeg ka yeelan doona sharciga.

Si kastaba Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyay Sharciga Doorashooyinka qaranka.

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha la magacaabay.

  

Related posts

TOOSU DAAWO: Munaasbaadda lagu daah-furaayo Kal-fadhiga Seddexaad ee Baarlamaanka Soomalia

admin

Qaar ka Mida Waddooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho oo Maanta Xiran

Ahmed sudani

War hada: Musharax Farmaajo oo Si an weli la arag loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho Jawi aan Caadi aheyn oo Maanta la dareemaayo

Tifaftiraha K24