Somali News

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Guddi U Magacaabay Sharciga Doorashooyinka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay Suuqa Dayax ee degmada Hiliwaa oo lagu iibin jiray xoolaha nool.

Dhagax dhiga kadib ayaa gudoomiyaha waxa uu kormeeray qeybaha uu suuqaani ku fadhiyo oo ah dhulbaaxad weyn waxaana horey lagu iibin jiray xoolaha kala duwan inkastoo uu qeyb ka noqday goobihii danta guud ee ku burburay qalalaasihii dalka ka dhacay.

Agaasimaha Suuqyada gobolka Banaadir Maxamed Macalin Dhicisow ayaa faah faahin ka bixiyay baaxada uu suuqani ku fadhiyo iyo marxaladiihii uu soo maray.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kula dardaarmay bulshada in ay ilaas shadaan goobaha danta guud ee muhiimka u ah adeegyada aas aasiga ah.

Dhanka kale waxa uu Duqa magaalada Muqdisho sheegay in xoolaha lagu iibiyo qeybaha kala duwan ee magaalada ay qabad kuyihiin bilicda Caasimadda iyo isku socod keeda sidaas darteedna marka la hirgaliyo Suuqa Dayax kadib waxa uu maamulka mammuuci doonaa in meel aheyn Suuqani aan lagu iibin doonin xoolaha.

Related posts

Xasaasi: Is Rasaaseyn Culus oo Xalay ka dhex Bilaabatay Xarunta Doorashada Aqalka Hoose ee Jowhar iyo Wiil uu dhalay Masuul Culus oo Dhaawacmay….

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Wafdi kasocda Dowlada Federaalka oo Maanta Cadado Gaaray

admin

DAAWO: waxyaabaha ka dhalankara Hishiiska dekada Berbera ee shirkada DPWorld

gurey