Guddiga Gurmadka Fatahaadaha oo ka Sheegay xilliga la gaarsiinayo lacagtii loogu deeqay Dadka.

0

Gudoomiyaha guddiga qaran ee Gurmadka fatahaadaha ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ka sheegay in kulan ay isugu yimaadeen guddiga iyo guddi ay baarlamaanku u soo magacaabeen la socodka howlaha guddigu qabanayo.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa shir gudoominayay Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey, waxaana Ra’iisul Wasaare kuxigeenka uu sheegay in falanqeyn dheer kadib la isla gartaya gartay in deeqaha la haayo loo qeybiyo deegaannada dhibaatadu ka jirto si dhaqsa ahna loola gaaro.

“Lacag hal milyan oo doolar ah ayaan u qeybinnay geynna doonaa deegaanada iyo goobaha ay fatahaaduhu dhibaatada ka geysteen, Xildhibaanno ka socda baarlamaanka oo loo xil saaray in ay la socdaan howlaha gargaarka ayaa kor joogteyn doona oo la socan doona sida gargaarka loo bixiyay” Ra’iisul Wasaare kuxigeenka.

Gargaarka lacageed iyo gargaar kale oo isugu jira Teendhooyin iyo Mara Kaneecooyin ayaa la gaarsiinayaa deegaannada dhibaatadu ka jirto ugu danbeyn maalinta Khamiista ah ee soo socota si loo badbaadiyo qoysaska daadadku dhibaateeyeen.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Hal milyan oo doolar ugu tala gashay in wax looga qabto dadka ay saameeyeen fatahaadii Beledweyne, iyadoo aan wali lacagtaas gaarin.