Somali News

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo guddoomiye cusub u doortay oo xubin lagu muransan yahay

Komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa, waxay ku doorteen guddoomiyaha cusub ee Komishanka Somaliland.

Xubnaha Komishanka ayaa guddoomiye u doortay Cabdirashiid Riyo Raac, kaasi oo xubinimadiisa uu muran badan ka abuuray xisbiyada mucaaridka Somaliland iyo Xukuumada Muuse Biixi.

Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland, Waddani iyo Ucid ayaa hore uga hor imid Cabdirashiid Riyo Raac in uu kamid noqdo xubnaha komishanka, balse ay isla markiiba ay ansixiyeen Golaha Wakiilada Somaliland.

Xisbiyada ayaa Riyo Raac u arkayey xubin aan dhex-dhexaad ka noqon karin xisbiyada iyo Xukuumada, kuna eedeynayay in uu dhinac la yahay xukuumada Muuse Biixi, oo iyadu u muuqata mid dabada ka riixeysay doorashada Riyo Raac.

Related posts

Wasiir Diini: “Horumar waxaan gaari karnaa markaan dib u dhisno Ciidanka Qaranka”

admin

XABISKA SH. HASSAN DAAHIR AWEYS

admin

Daawo: Somaliland maxay ka tiri Dagaalka ka socda Degmadda Taleex ee Gobalka Sool.

admin