Guddiga doorashooyinka Qaranka oo UK ku qabtay kulan looga hadlayo Doorashadda 2020-ka

0

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, ayaa kulan looga hadlayay qabsoomida doorashooyinka 2020 ee dalka Soomaliya ku qabtay Magaalada Brigham ee Dalka Ingiriiska.

kulankaas oo ahaa mid lagu aruurinayay aragtida qurba joogta ee ku aadan hannaan doorashooyinka 2020 ee dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay wafti uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka GMDQ Mudane: Sayidcali sheikh Maxamed. Kulankaan wadatashiga ah ayaa qayb ka ah kulamadii horay uu Guddigu uga soo qabtay Dalka Soomaaliya Guddihiisa hadana ay kawadaan Wadamada Yurub iyo Ameerika oo ay ku nool yihiin Ummad Soomaaliyeed oo aragtidoodu muhiim tahay.

Mas’uuliyiin kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee Cariga Ingiriiska ayaa ugu mahadceliyay Guddiga howlaha uu ummada Soomaaliyeed u hayo iyo sida cad ee aan caadku saarnayn ee howshu ku socoto, sidoo kale waxa ay aad usoo dhaweeyeen waftiga uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka Guddiga Mudane Sayidcali.

Waxaa sidoo kale hadal qiimo leh kulanka ka jeediyay G/kuxigeenka Guddiga Mudane Sayidcali sh. Maxamed iyo Commissioner Siciid xaashi. Gudomiyaha ayaa xusay in kulankaan uu kamid yahay wadatashiyadii dalka kasocday ee ku aadanaa geedi socodka doorashooyinka 2020 ee ka dhici doona Dalka soomaaliya waxaana muhiim noo ah in aan helno talooyin iyo tabarba aan ku hiraglino doorasho qof iyo cod ah si aan Dalka u gaarsiino in uu ka gudbo hannaanka qabaa’ilka ah ee ragaadiyay.