Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Guddiga Difaaca Golaha Shacabka Oo Sheegay in ay la Xisaabtamayaan AMISOM

Guddoomiyaha Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya  Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Guddigooda ay diyaar u yihiin la xisaabtanka howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Xuseen Carab Ciise waxaa uu sheegay in Ciidanka AMISOM howlgalkooda uu daba dheeraaday islamarkaana aloo baahanyahay in lagala xisaabtamo waxyaabaha u qabsoomay.

Guddoomiye Xuseen waxaa uu sheegay in Shirkii AMISOM iyo Somaliya ee lagu soo gaba gabeeyay Kampala ay la tageen qorshe ka hadlaya tayada Ciidamada dowladda Soomaaliya oo aan sidii loo baahnaa.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Soomaaliya ay u diyaarsanyihiin dagaalka Al-shabaab hayeeshee aysan heysan qalab ku filan ,beddelkoodana Ciidanka AMISOM ay shaqeeyaan.

Xuseen Carab Ciise ayaa waxaa uu sheegay in hadda Ciidamada AMISOM ay kala xisaabtamayaan howlgalkooda dalka iyo halka ay ku bixiyaan qarashka ay ka helaan Beesha Caalamka ee lagu qaato Magaca Soomaaliya.

Related posts

Daawo: Aljazeera oo Ugu Dambeyn soo saartay Muuqaalka Wariye Xamza uu ka diyaariyay Dagaalyahanada Alshabaab Iyadoo ay ka Muuqanaya Xubno Sar Sare

Tifaftiraha K24

Hay’ada Somali Relief Trust Oo Maanta Deeq Mucaawino ah Gaarsiisay 80 Qoys Oo Ku Nool Magaalada Caabudwaaq

cabudwaaq

DEG DEG: Ciidamo uu Hogaaminaayo Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka Koonfur Galbeed oo Goordhaw la wareegay Deegaanka……

Tifaftiraha K24