Animation

Goormee la aasaya qaxootigii soomaliyeed ee lagu xasuuqay dalka yaman??

no responses
Monday May 22, 2017 - 6:36 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Qunsulka Guud Ee Soomaaliya u fadhiya Magaalada Cadan Danjire Axmed Cabdi Xasan Suudaani oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa Faahfaahin ka bixiyay wadahadalo uu la qaatay Madaxda Dowladda Sharciga ah ee Yaman iyo Mas’uuliyiin ka tirsan UNHCR, IOM iyo ICRC, kuwaas oo fadhigoodu yahay Magaalada Cadan.

Amb Axmed Suudaani wuxuu sheegay in dadaal dheer kadib ay Qunsuliyadda u suurta gashay in xabsiyada laga sii daayo qaxootigii Soomaaliyeed ee ka badbaaday doontii lagu duqeeyey xeebaha magaalada Xudayda ee dalka Yemen horraantii bishii Maarso 2017, sidoo kalana bukaanada duqeyntaasi ku waxyeeloobay dhaawacyadooda loo soo wareejiyo magaalada Cadan.

Qunsulka ayaa hoosta ka xariiqay in hadda laga guuleystay siideynta 115 Qaxooti Soomaaliyeed ah oo Isugu Jiray Caruur, Haween iyo rag, halka kuwii dhaawacyada qabayna loo daadgureeyay Magaalada Sanca.

“Qaxootiga laga soo daayey xabsiyada xudayda tiro ahaan waxa ay gaarayan 86 Rag ah iyo 27 Dumar iyo 2 Caruura, waxaana loo sameynayaa baaritaano caafimaad ka hor inta aan loo soo qaadin Caden,  si ugu dambeyn loogu soo daad gureeyo dalkoodii hooyo, Qunsuliyadduna ay u diyaariyaarisay dhammaan dukumiintiyadii ay u baahnaayeen” ayuu yiri Mudane Axmed Suudaani.

Dhinaca kale Qunsulka Guud Ee Soomaaliya ee Magaalada Cadan Mudane Axmed Suudaani ayaa sheegay in Maalinta Qamiista oo ay taariikhdu ku beegantahay 25 May 2017 la Aasi doono Meydadka 31 ruux oo ahaa Qaxootigii Soomaaliyeed ee lagu laayey Dooni ay la socdeen, isagoo arrintaasi si gaar ah uga mahad celiyey hay`adda ICRC iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee  Sanca oo gacan ka gaystay.

Ugu damban Qunsuka ayaa ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed inay la socdaan dhaqdhaqaaqa ubdkoona, isalamarkaana aysan u soo dirin dalka Yemen oo la daalaa dhacaya colaado Sokeeye iyo Cuduro halis ah.