Animation

Golaha Wasiirada Galmudug oo maanta ansixiyay siyaasada Wasaarada Aminga gudaha Galmudug

no responses
Monday September 26, 2016 - 4:42 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta kulankoodi caadiga ahay oo uu shir gudoominayay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xashi Cabdi ayey ku ansixiayay siyaasada wasaarada amniga Galmudug , ayadoona khamiistii la soo dhaafay loo qeybayay golaha wasiirada si aan u soo aqriyaan siyaasada wasaarada amniga gudaa Galmudug .

Wasiirka Amniga gudaha Galmudug  gudaha ayaa golaha u sharaxay siyaasadaan cad oo ay soo diyaarisay wasaarada amniga gudaha wasiirka ayaa intaas ku daray in siyaasada wasaarada ay meelo badan laga fiiriyay markii la soodiyaarinayay waxaana aaminsanahay in waxkasata lagu soo koobay oo aysan jirin wax laga soo tagay dhankasana laga dhowr wax dibaato keenaya waxaana awooda saarnay arimaha xaquuqda aadanaha maadaama laga shaqeeynayo ario amni.

Wasiirada ayaa su’aalo kaweydiiyay qodobada qaar ay soo gudbisay wasaarada amniga sida siyaada ciidamada badda , kuwa nabadsugida ayadoona gabi ahaan qodobadaas oo dhan la isla gartay kadaibna wasiirada ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen siyaasada wasaarada amniga Gudaha dowlada Goboleedka Galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug maxamed xashi Cabdi oo shirk a soo xiray ayaa sheegay in uu ansaxyahay siyaada wasaarada amniga gudaha Galmudug lonaba baahanyahay wasaaradaha kale in aay soo dadajiyaan siyaasada wasaaradaha dowlada.

1 14101907_10205753624798659_1192922763_n 14102096_10205753627758733_83534144_n 14138341_10205753627158718_267105090_n 14138378_10205753627518727_1587680543_n 14455976_10205969530196159_340603938_o 14513652_10205969529756148_1250916207_o

Facebook Comments