Golaha Shacabka Soomaaliya oo kulankooda uga doodaya.

0

Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta kulan ku leh M/Muqdisho ayaa ka doodaya xaaladda ammaan ee dalka.

Wasiirada amniga, gaashaandhiga, guddoomiyaha gobolka Banaadir, taliyeyaasha NISA, Booliska iyo Xoogga Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay hortagaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa xubnahaasi su’aalo ku weydiin doono arrimaha ammaanka ee magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa falal liddi ku ah nabadgalyada ay ka dhacayeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.