Somali News

Golaha shacabka oo uyeeray wasiiro iyo suaalo adag oo horyaala wasiiradaas.

Xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxay uyeereen labo wasiir oo katirsan Xukuumada iyagoona xildhibaanada dalbaday wasiiradaas inay horyimaadan si ay su’aalo uweydiiyaan.

Wasiirka wasaarada amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayay xildhibaanada dalbadeen inay horyimaadaan.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan ayaa labadaas wasiir udiray fariin ah in maalinta Axada ay horyimaadaan golaha shacabka.

Labadan wasiir ayaa su’aalo ku aaddan sababaha loo xayiray xildhibaan Daleys Xasan Aadan iyo madaxweynayaashii hore ee soomaaliya iyo xayiraaddii la saaray kal hore duulimaadyada aadaya magaalada kismaayo weydiinaya xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo horay u dalbaday in wasiirradaan horyimaadaan golaha shacabka.

Related posts

Daawo Sawirro: Soomalida Isticmaasha Barta Facebooka oo Maadeysi iyo Sawirro Cajiib ah ka sameeyay Guusha Donald Trump uu ka gaaray Doorashada Mareykanka

Tifaftiraha K24

Ciidanka Xoogga dalka oo Isku Furay Wado Muhiim aheyd oo isku xirta Muqdisho iyo…

admin

Dhageyso: Madaxweyne Xasan Shiikh” Dhismaha Wadada isku Xireysa Hobyo ilaa Muqdisho waa qeyb ka mid ah Horumarka Dalka Ka Socda

admin