Somali News

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga shirkadaha iyo kan Maareynta Maaliyadda Guud.

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Mahad Cabdalla Cawad, isla markaana waxaa Goobjoog ka ah 56 Xildhibaan.

Ajendaha ayaa waxaa uu yahay.

1-Furitaanka Ayaadaha Quraanka Kariimka

2-Ansixinta Ajendaha

3-U Codeynta Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud PFM

4-U Codeynta Sharciga Shirkadaha

5-Qeybinta Warbixinta Guddiga ee Odoraska Miisaaniyadda Qaranka ee Sanadka 2020-ka

6-Qeybinta Heshiiska Aasaasida Wakaaladda Damaanad Qaadka Maal-gashiga

Ugu Horeyntii Mudanayaasha Golaha Shacbka Baarlamaanka ayaa cod u qaaday Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud PFM.

Waxaa Ogalaatay 148 Mudane, Waxaa Diiday 6, waxaana ka aamustay 2 sidaas Darteed Sharciga sidaas ayuu ansax ku Noqday.

Dhanka kale Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS aya sidoo kale Cod u Qaaday Sharciga Shirkadaha waxa Ogalaatay 156, wax Diiday majirin, wax ka aamusay Ma Jirin Sidaas Ayuu Ansax Ku Noqday Sharciga Shirkadaha.

Related posts

Shirkii DFS & Maamulada oo maalintii Labaad la galay & Qodobada adag oo laga doodi doono (Akhri Qodobada)

admin

Maamulka Gobalka Banaadir oo Warsaxaafadeed Jawaab ah oo kulul ka soo saarey eedayn ay hay’adda U.H.C.R horey ugu soo jeedisey

admin

Ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya oo Taliye Cusub loo Magacaabay

Tifaftiraha K24