Somali News

Golaha Shacabka ee Somaliya Oo Ansixiyay Noqoshada Miisaaniyadda Dowladda Ee 2019.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, iyadoo kulanka uu ku furmay 141 Mudane.

Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana Ajendaha uu ahaa Akhrinta 3-aad ku Noqoshada Miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa intii uu socday kulanka waxaa ay Anxiyeen ku Noqoshada Miisaaniyadda 2019-ka, iyagoo u qaaday Cod gacan taag ah.

118 Xildhibaan ayaa Ogalaatay in la Ansixiyo ku Noqashada Miisaaniyada 2019-ka, 15 Mudane ayaa diiday, 8 Xildhibaan ayaa ka Aamustay, waxaana Guddoomiye Mursal uu ku dhawaaqay in sidaas lagu ansixiyay ku Noqashada Miisaaniyadda.

 

Related posts

Wareegto: Ra’isul wasaare kheyre oo xil culus u magacaabay wariye C/qaadir Nadaara

Tifaftiraha K24

Gudoomiyaha Xisbiga waddani oo kahadlay Masuuliyiin ka tirsan xisbiga oo laxiray

admin

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo Dhexmaray Raisul Wasaare ku Xigeenka Dalka iyo Safiirka Mareykanka u qabailsan Soomaliya oo ay Wehliyaan Madaxda ka…..

Tifaftiraha K24