Animation

Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Maanta Kulan ku leh Xarunta Golaha Shacabka

no responses
Wednesday December 6, 2017 - 4:11 under Somali News by sudani
mqdefault
Spread the love

Maanta oo ah Arbaco Tr. 06/12/2017 Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeelanaya Kulankoodii Caadiga ah.

Kulankaan waxa ay kaga hadlayaan Akhrinta iyo qaybinta qorsho howleedka Guddiyadda Golaha Shacabka.

Waxa uuna daba socdaa kulan shalay Muqdsho ku yeesheen Gudiga Joogtada ah ee Baarlamaanka, kaa oo ay kaga arrinsanayaan kulamada Baarlamaanka inta ka dhiman Kalfadhiga 2-aad.

Guddiga Joogtada iyo Gudoonka Baarlamaanka ayaa isla gartay sidii ajendayaal Kooban loogu koobi lahaa kalfadhigaan, Maadaama Howlo badan ay Mudanayaashu u yaallaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galay kulankii shalay ee Guddiyada Joogtada ayaa xubnihii uu la kulmay ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan Jiheynta Ajendaha Kalfadhiga.

Waxa uuna Xusay in waqtiga Baarlamaanka iyo Kalfadhiga inta ugu harsan loo baahan yahay in la mideeyo, Maadaama Golaha shacabka ay ka baaqdeen Kulamo ay kaga hadli lahaayeen Ajendayaal u qoran.

Guddiyada Joogtada ayaa iyane laga dhageystay talo ku aadan sida lagu simi karo kalfadhiga iyo Qodobada ay doonayaan in looga hadlo Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Facebook Comments